Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in la dilay Abu Al-xassan al-Hashemi al-Quraishi oo ka mid ahaa madaxda kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS.
Xukuumadda Washington ayaa hoosta ka xarriiqday in dilkan uu dhacay bartamihii bishii Tobnaad ee sanadkan.
Waxaa hor joogaha ISIS looga takhalusay weerar ay ciidamada militariga ee dowladda Syria ka gaysteen gobolka Daraa.
Bayaanka Maraykanka waxaa ku cad in ciidamadiisa aynan ka qayb qaadan howlgalka lagu dilay hoggaamiyaha ISIS.
Kooxda ISIS ayaa sidoo kale xaqiijisay dilka hoggaamiyahooda.