Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo daahfuray sanduuqa lagu taageerayo ganacsatada yaryar

DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo daahfuray sanduuqa lagu taageerayo ganacsatada yaryar

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray wajiga koowaad ee barnaamij ay dowladda dhexe ganacsatada yaryar uga caawinayso dhinaca dhaqaalaha oo loogu magacdaray Hustlers Fund.
Sanduuqan ayaa waxaa lacago amaah ah ka qaadan karo shakhsiyaadka doonaya inay ganacsi billaabaan ama ay ganacsigooda kobciyaan.
Dowladda ayaa amaahdan ku bixinaysa lacag dulsaar oo ah boqolkiiba 8.
Qofka amaahdan qaata ayaa haysta muddo 14 cisho ah oo uu ku bixin karo waxaana marka codsigiisa la ansixiyo ka dib loogu soo dirayaa akoonkiisa Mpesa ama Airtel Money.
Haddii uunan qofka ku bixin lacagta muddada loogu talagalay waxaa hoos u dhacaya suurtagalnimada uu mar kale amaah ku qaadan karo.
Sidoo kale qofka ayaa la siinaya 15 cisho oo dheeraad ah oo uu deynta ku bixin karo taasoo haddii uu ku guul dareysto , lacagta dulsaarka ah ay sanadkiiba ku kordhaysa boqolkiiba 9.5%.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo faahfaahin ka bixinaya sida ay u fududahay in qofka uu qaato amaahdan ayaa yiri.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments