Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Israa’iil oo 3 qof ku dishay Daanta Galbeed

Israa’iil oo 3 qof ku dishay Daanta Galbeed

Dowladda Falastiin ayaa sheegtay in saddex qof oo ka mid ah muwaadiniinteeda oo labo ay walaalo ahaayeen lagu dilay weerar ciidamada Israa’iil ay ka fuliyeen Daanta Galbeed.
Magacyada walaalaha ku nafwaayay falkaasi ayaa lagu sheegay Jawad iyo Dhafr Rimawi oo ay da’doodu tahay 22 sano iyo 21.
Wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA ayaa ku warramaysa inay ku dhinteen rasaasta militariga Israa’iil oo sheegay inuu ka falcelinayay weerar ciidamadiisa loogu gaystay meel u dhow tuulada Kafr Ein ee galbeedka magaalada Ramallah.
Wasiirka arrimaha rayidka ee Falastiin Xuseen Al-Sheekh ayaa dilka ku tilmaamay khaarajin cad.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada difaaca ee Israa’il ay sheegayaan inay qiimeynayaan dhacdadan.
Qofka saddexaad ee la dilay ayay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin magaciisa ku sheegtay Mufid Khalil waxaana looga takhalusay meel u dhow magaalada Hebron.
Khalil ayaa laga toogtay madaxa waxaana halkaasi ku dhaawacmay ugu yaraan siddeed qof oo kale sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.
Militariga Israa’iil ayaa dhankiisa sheegaya in falcelintu ay timid ka dib markii askartooda lagu soo tuuray waxyaabaha qarxa.
Waxay intaasi ku dareen in labo ka mid ah baabuurtooda ay ku timid cillad farsamo intii ay is rasaaseyntu socotay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments