Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa bulshada soomaaliyeed ee ku nool Kenya ugu baaqay inay wax ka beddelaan qaabka ay u muujiyaan muwaadinnimadooda.
Waxaa uu ku boorriyay inaynan iska dhigin dad wadanka marti ku ah isagoo u sheegay inay matalaad ku leeyihiin waaxyo kala duwan sida golaha fulinta ee dowladda , baarlamaanka iyo garsoorka.
Ducaale ayaa dhanka kale soomaalida kula taliyay inay dowladda garab ku siiyaan ka shaqeynta nabad galyada si ganacsiga xaafadda loo horumariyo.