Ugu yaraan 3,000 oo ka mid ah qoysaska ku nool Nakuru oo sabar loogooyin la siiyay

0
819

In ka badan 3,000 oo ah qoysaska ku nool xaafadaha aan sida rasmiga ah loo deegameyn ee ismaamulka Nakuru ayaa loo qaybiyay sabar loogooyin.
Waxaa barnaamijkan fulinaya mashruuca wanaajinta xaafadaha aan rasmiga ahayn ee dalka ee (KISIP).
Wajiga koowaad ee barnaamijkan ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo hal bil gudaheed waxaana dib u habeyn lagu sameeyay 7 ka mid ah meelaha la deggan yahay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dadweynaha ku nool xaafadahan ay sidoo kale helayaan adeegyo dhanka waddooyinka , biyaha iyo korontada ah.
Judyleah Waihenya oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda dhulalka ee ismaamulka Nakuru ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay kaashadeen oo muddo labo sano gudahood ah la soo saaray 70,000 oo ah warqadaha muujinaya mulkiilaha dhulka .