Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Hub laga soo qabtay Samburu

Hub laga soo qabtay Samburu

Adeegga qaran ee booliiska dalka ee NPS ayaa sheegay in howlgal ay fuliyeen saraakiil ka tirsan waaxyo kala duwan oo laga sameeyay ismaamulka Samburu lagu soo helay hub sharci darro ah.
Howlgalka ayay NPS ku tilmaantay mid ku saleysnaa xog sirdoon iyadoo ujeedkiisu uu ahaa in gacanta lagu soo dhigo eedeysanayaal lala xiriirinaya weerar dhawaan lagu qaaday xerada khaaska ah ee Kalepo .
Qoriga ayaa laga soo helay guriga mid ka mid ah eedeysanayasha oo ku yaalla tuulada Ndonyowasin ee Samburu.
Bayaanka booliiska waxaa ku cad in qoriga uu yahay nooca loo yaqaano AK-47 .
Waxaa hadda socdo dadaallo loogu jiro sidii loo soo xiri lahaa tuhmanayaasha iyadoo qorigii la soo helay la dhigay xarun booliis si baaritaan dheeraad ah loo sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments