Faadumo Geedi oo ka mid ah shakhsiyaad loo xushay ku biiridda guddiga dakhliga

0
334

Wakiilkii hore ee haweenka ismaamulka Wajeer Faadumo Geedi Cali iyo 6 qof oo kale ayaa loo soo xushay inay ka mid noqdaan xubnaha guddiga qoondeynta dakhliga ee CRA.
Waxaa arrintan xaqiijiyay guddoomiyaha baarlamaanka dalka ,Moses Wetangula oo sheegay inuu helay qoraal uga yimid hoggaanka xisbiyada muxaafidka iyo kuwa mucaaradka.
Isbeheysiga Kenya Kwanza ayaa soo xushay Benedict Muasya Mutiso, Jonas Vincent Kuko, Isabel Nyambura Waiyaki iyo Hadija Nganyi Juma si ay uga mid noqdaan guddiga CRA.
Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja -One Kenya ayaa dhankiisa soo magacaabay Wilfred Koitamet ,George Jalang’o Midiwo iyo Faadumo Geedi Cali.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa guddiga maaliyadda iyo qorsheynta qaranka ku amray inuu turxaan bixin ku sameeyo shakhsiyaadkan si loo xaqiijiyo inay u qalmaan ku biiridda guddiga qoondeynta dakhliga .
Waxaa turxaan bixinta ka hor fursad la siinaya kenyaanka si ay aragtidooda u soo gudbiyaan.
7-da qof ayaa laga soo dhex xushay 139 codsiyo soo dirsaday.
Guddiga CRA ayaa qaabilsan bixinta talooyin lagu saleyn karo in dowladda dhexe iyo ismaamullada dalka ay si siman u qaybsadaan dakhliga la uruuriyo.
Haddii la ansixiyo, toddobada qof ayaa beddeli doono xubnaha CRA ee uu muddo xileedkoodu ku egyahay 31-da bisha 12-aad ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here