8 qof oo dheeraad ah oo daacuun ugu dhimatay xaafad ka tirsan Nairobi
Cudurka daacuunka oo ka dillaacay dalka ayaa waxaa xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi laga xaqiijiyay inay u dhinteen 8 qof oo dheeraad ah.
Waxaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay cudurkan xaafaddaasi ugu geeriyooday 10 qof.
Maamulka xaafaddaasi iyo mas’uuliyiin ka tirsan ismaamulka Nairobi ayaa ku boorriyay dadka deegaanka in ay taxaddar muujiyaan, islamarkaana ay ku dadaalaan xaqiijinta nadaafadda cuntada iyo biyaha.
Sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka ee xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi, ugu yaraan 60 qof ayaa dhowrkii toddobaad ee ugu dambeeyay laga daaweeyay cudurkan oo laga qaado nadaafad darrada .
Kulan ay yeesheen milkiilayaasha guryaha la deggan yahay ee xaafadda Kayole iyo hoggaamiyayaasha aagaasi ayay ka sheegeen inay ka go’an tahay xaqiijinta nadaafadda deegaanka.