NPS:Shacabka ha iska ilaaliyaan baraha been abuurka ee lagu furtay magaca afhayeenka booliiska

0
316

Waaxda qaran ee adeegga booliiska dalka NPS ayaa uga digtay Kenyaanka akoonno laga sameystay baraha ay bulshada ku wada xiriirto gaar ahaan Twitter-ka kuwaasoo ay ku qoran yihiin magaca Dr. Resila Atieno Onyango oo dhawaan loo magacaabay afhayeenka booliiska Kenya.
Booliiska ayaa rumeysan in shakhsiyaadkan ay ku howlan yihiin dhagar iyagoo adeegsanaya magaca Dr. Resila si ay u khiyaameeyaan dadka kenyaanka ah ee aan ka shakin.
Waaxda qaran ee adeegga booliiska wadanka, ayaa ku boorrisay dhammaan dadka isticmaala baraha bulshada inay ka waantoobaan la falgalka shakhsiyaadka boggaga been abuurka ah sameystay.
NPS ayaa intaasi ku dartay in Dr. Resila ay kaliya adeegsado baraha intarneetka ee waaxda qaran ee adeegga booliiska dalka marka ay timaado shaqadeeda.
Resila Atieno Onyango ayaa horraantii bishan loo magacaabay afhayeenka waaxda qaran ee adeegga booliiska.
Waxay xilkan kala wareegtay Bruno Shioso oo loo dallacsiiyay taliyaha machadka lagu tababarro booliiska ee Kiganjo.
Dr. Resila waa haweeneyda kaliya ee booliiska dalka oo haysato shahaadada sare ee PhD.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here