Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Gachagua oo soo bandhigay guddiga loo xil saaray ka falcelinta abaarta

Gachagua oo soo bandhigay guddiga loo xil saaray ka falcelinta abaarta

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa soo bandhigay guddi uu hoggaamiyaha wadanka William Ruto u magacaabay inuu isku duba rido falcelinta ka dhanka ah saameynta abaarta.
Waxaa xubnahan guddoomiye u ah madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Peter Ndegwa.
Waxaa laga doonaya inay ka shaqeeyaan sida loo abaabuli karo kheyraad dheeraad ah oo wax looga qabanaya xaaladda taagan.
Guddigan ayaa si gaar ah xoogga u saari doono dhinacyada cunnada , biyaha , xoolaha , caafimaadka , duurjoogta , tamarta , waxbarashada, amniga, keymaha , beeraha iyo waraabka.
Waxaa looga fadhiyaa in iyagoo kaashanaya hay’adda laanqayrta cas ee Kenya ay soo bandhigaan sanduuqa deeqaha ka dhanka ah abaarta.
Xubnaha guddigan ayaa warbixintooda u gudbin doono madaxweyne ku xigeenka dalka .
Sidoo kale waxay gacan ka gaysan doonaan badbaadinta bulshooyinka ay abaarta saameysay si gaar ah lacagaha caddaanka ee la siiyo si loo kabo dadaallada dowaldda dhexe iyo ismaamullada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments