Saddex ka mid ah ciidamada difaaca oo shil galay oo loo soo qaaday Nairobi

0
836

Waxaa magaalada Nairobi loo soo duuliyay saddex ka mid ah ciidamada gaashaan dhigga wadanka ee KDF oo shil galay galinkii hore ee shalay.
Waxaa tallaabadan warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Nyamira Amos Mariba.
Mas’uulkan ayaa sheegay in saddexda askari ay ka mid ahayeen sagaal ka qayb galay munaasabad aas ah oo lagu qabtay Nyamira.
Shilka ayaa ka dhacay aagga loo yaqaano Bonyunyu ee wadada isku xirta Nyamira-Miruka .
Mr. Mariba ayaa sheegay in darawalkii baabuurka kaxeynayay Daniel Munyi uu lumiyay xakameyntiisa ka dib cillad ku timid gaariga tani oo keentay in baabuurka uu wadada ka baxo.