Wasiirkii hore ee wasaaradda beeraha Mr. Mwangi Kiunjuri ayaa shacabka ku nool ismaamullada gobolka bartamaha dalka ugu baaqay in siyaasad ahaan aan lagu dan gaarin sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in dadweynaha bartamaha dalka loo ogolaado in ay soo doortaan madax ay ku qanacsan yihiin.
Mr. Kiunjuri ayaa dhanka kale sheegay ka hor inta aynan soo dhisin musharrax madaxweyne ay khasab tahay in loo caddeeyo qoondada dhanka xilalka ee ay dowladda ku yeelanayaan.