DHAGEYSO:Dowladda oo laga codsaday inay xalliso dhibaatooyinka ka dhex dhaco Wajeer iyo Isiolo

0
298

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamullada Wajeer iyo Isiolo ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay xal u hesho falalka amni darro ee mararka qaar saameeyay galbeedka Wajeer iyo qaybo ka tirsan Isiolo oo halkaasi daris la ah.
Madaxdan oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha Wajeer Axmad Cabdullahi, dhigiisa Isiolo Cabdi Ibraahim Guyo, senatarka Wajeer Cabbaas Sheekh Maxamad, senatarka Isiolo Faadumo Duulow iyo mas’uuliyiin kale ayaa baaqan diray.
Waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay dowladda dhexe garab ku siiyaan xallinta iskudhacyada beelaha iyo xoolaha la kala dhaco.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka ayaa dhankiisa amray in la shaqaaleysiiyo 200 oo ah ciidamada booliiska keydka si looga howlgeliyo xadka ismaamullada Wajeer iyo Isiolo.
Waxaa uu sidoo kale amar ku bixiyay in la soo dhiso gole ka kooban 20 xubnood oo ah waxgaradka ismaamullada Wajeer iyo Isiolo si ay u dejiyaan qorsho nabadeed oo waara oo lagu heshiisiinaya bulshada.