Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya oo Kuuriyada Koonfureed ka heshay deeq dhan 120 bilyan

Kenya oo Kuuriyada Koonfureed ka heshay deeq dhan 120 bilyan

Kenya ayaa dowladda Kuuriyada Koonfureed ka heshay deeq lacageed oo gaaraysa 120 bilyan oo shilin ka dib safar rasmi ah oo uu madaxweynaha dalka William Ruto halkaasi ku tagay.
Dhaqaalahan ayaa loo adeegsan doonaa fulinta barnaamijyada horumarineed ee dhanka tiknolojiyadda , caafimaadka , wax soo saarka beeraha , tababarrada farsamo , guriyeynta , tamarta , kaabayaasha iyo gaadiidka magaalooyinka waawayn.
Meelaha wax looga qaban doono deeqdan waxaa ka mid ah ismaamullada Mombasa iyo Nakuru.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dowladda Kuuriyada Koonfureed uga mahadceliyay taageerada ay u fidisay Kenya.
Waxaa uu sheegay in tani ay qayb ka tahay iskaashiga dhinaca horumarinta dhaqaalaha.
Ruto iyo dhigiisa dalkaasi Yoon Suk Yeol ayaa sidoo kale ku heshiiyay inay ka wada shaqeeyaan tamarta laga soo saaro kheyraadka dabiiciga ah, amniga iyo wanaajinta horumarinta gaadiidka Nairobi.
Madaxweyne Yeol ayaa sheegay in dowladdiisa ay Kenya ka caawin doonto la tacaalidda saameynta abaarta.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhankiisa xusay inay Kuuriyada Koonfureed ku taageeri doonaan sidii ay gudaha Kenya ugu yeelan lahayd xarun dhaqameed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments