Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa bixiyay amar ah in sida ugu dhaqsiyaha badan meesha looga saaro xoolaha lagu daajiyo beeraha sida gaarka ah loo leeyahay.
Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah xoolo dhaqatada oo ay abaarta saameysay ay xoolahooda geeyeen deegaanka Mwingi ee ismaamulka Kitui.
Tani ayaa keentay isku dhac dhex maray xoolo dhaqatada sida geelleyda iyo beeralayda deegaankaasi.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in xoolo dhaqatada haddii aynan amarkan u hoggaansamin si qasab ah looga saaraya goobaha ay ku sugan yihiin.
Sidoo kale wasiirka ayaa amar ku bixiyay in deegaanka Mwingi laga shaqaaleysiiyo ilaa 250 ah ciidamada booliiska keydka ee NPR.