Ciidamada ammaanka ee dalka Morocco ayaa gacanta ku dhigay Maxamad Ziane oo horay u soo noqday wasiirka xuquuqul aadanaha ee wadankaasi.
Tani ayaa timid ka dib markii maxkamadda racfaanka ay ayidday xukun xabsi oo horay loogu riday oo ahaa saddex sano.
Xafiiska waaxda dacwad oogidda caasimadda Morocco ee Rabat ayaa xaqiijiyay in xabsiga la dhigay qareenkan oo 79 sano jir ah.
Ziane oo sidoo kale ah aasaasaha xisbiga Liberal Party ayaa si cad u dhaliila dowladda dalkaasi .
Sanadkii hore ayay ahayd markii la maxkamadeeyay ka dib markii uu adeegga amniga Morocco ku eedeyay inay sameyeen muuqaal been abuur ah oo ka turjumayay in qaab aan habboonayn uu ula macaamilay haweeney xaas ah.