Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Xildhibaano ka soo horjeedo in wadanka galley la soo geliyo

DHAGEYSO:Xildhibaano ka soo horjeedo in wadanka galley la soo geliyo

Xildhibaanka deegaanka Koonfurta Pokot ,David Pkosing iyo senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei ayaa ka soo horjeestay in galley laga keeno wadanka dibadiisa.
Waxay wasiirka wasaaradda ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha Moses Kuria ka dalbadeen inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiyo qorshahan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Kuria uu shaaciyay qorsho ay dowladda 6-da bilood ee nagu soo aaddan dalka ku soo gelinaysa 10 milyan oo kiish oo galley ah.
Hasa ahaate siyaasiyiinta ayaa sheegaya in tani aan loo baahneyn maadaama ay caqabad ku noqonaysa beeraleyda galleyda ee dalka oo qarash iyo dadaal ku bixiyay inay dalag soo saaraan.
Sidoo kale waxay dalbanayaan in cilmi baaris dheeraad ah lagu sameeyo dalagga lagu soo saaro qaabka casriga ee GMO si loo xaqiijiyo saameynta caafimaad ee ka dhalan karto ka hor inta aan dalka soo gelin.
Xildhibaanka deegaanka Kimilili ee ismaamulka Bungoma , Didmus Wekesa Barasa ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ay uga soo horjeedaan qorshaha dowladda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments