Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Roobab la filayo inay ka da’aan qaybo ka mid ah dalka

Roobab la filayo inay ka da’aan qaybo ka mid ah dalka

Maamulka saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegay in la rajeynaya in roobab ka da’ay qaybo ka mid ah wadanka ay sii jiraan toddobada cisho ee nagu soo aaddan.
Meelahan waxaa ka mid ah gobollada Rift Valley , aagga harada Victoria, bariga koonfureed iyo waqooyi bari.
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee Kenya , David Gikungu ayaa hoosta ka xarriiqay in meelo ay ka mid yihiin buuraleyda galbeedka Rift Valley laga dareemo karo jac.
Ismaamullada laga cabsi qabo in jacda ay sameyso waxaa ka mid ah Kisii, Nyamira, Trans-Nzoia, Uasin-Gishu, Elgeyo-Marakwet, Nandi, Kericho, Bomet, Kakamega, Vihiga, Bungoma, West-Pokot, Siaya, Kisumu, Homabay, Busia, Migori, Baringo, Nakuru iyo Narok .
Sidoo kale waxaa la rajeynaya in galinka hore ee maalinkii ay roobab aan badneyn ka da’aan ismaamullada Nairobi, Nyandarua, Laikipia, Nyeri, Kirinyaga, Murang’a, Kiambu, Meru, Embu, Tharaka-Nithi,Turkana, Samburu, Marsabit, Mandera, Wajeer, Garissa iyo Isiolo .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments