Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka In ka badan 36 qof oo ku dhimatay dab saameeyay warshad ku...

In ka badan 36 qof oo ku dhimatay dab saameeyay warshad ku taalla Shiinaha

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 36 ruux ay dhinteen ka dib markii uu dab ka kacay warshad ku taalla magaalada Anyang ee bartamaha gobolka Henan ee dalka Shiinaha.
Waxaa sidatan ku warramaya warbaahinta maxalliga ee wadankaasi oo saraakiil soo xiganaya.
Labo qof oo kale ayaa dhaawacmay halka labo kale weli la la’yahay.
Saraakiisha dab damiska ee Shiinaha ayay afar saacadood ku qaadatay inay damiyaan dabka oo billowday abaare 4-tii galabnimo ee shalay ee saacadda xukuumadda Beijing.
Waxaa dhacdadan la tacaalay in ka badan 200 oo ah saraakiisha samata bixinta iyo 60 sarkaal oo ka tirsan waaxda dab damiska.
Bishii Saddexaad ee sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii 78 qof ay ku dhinteen dab saameeyay warshad lagu sameeyo kiimikada ee ku taalla Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments