Qorshaha dowladda oo ah in 15 milyan oo qof laga tallaalo cudurka COVID-19 ilaa 2023-ka

0
417

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday inuu jiro qorsho ku aaddan in ka hor bisha lixaad ee sanadka 2023-ka , tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19 la siiyo 15 milyan oo Kenyaan ah.
Tiradan ayaa u dhiganta boqolkiiba 30 ee tirada guud ee dadweynaha ku nool Kenya oo ah 49 milyan oo qof.
Waxaa ilaa iyo hadda gudaha dalka looga tallaalay cudurka COVID-19 , 9,144 gaar ahaan shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee safka hore kaga jira la tacaalidda fayraskan.
Dhakhaatiirta ilaa iyo hadda qaatay tallaaka Covid-19 ayaa ka howlgalo 40 dowlad deegaan.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr. Patrick Amoth ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee gudaha wadanka looga tallaalo cudurka COVID-19
Bixinta tallaalka ee ka socota ismaamullada dalka ayaa mudnaanta kowaad lagu siinayaa saraakiisha caafimaadka qaybahooda kala duwan, ciidamada ammaanka iyo macallimiinta.
Marka la eego qaybinta barnaamijka tallaalka nooca loo yaqaano Oxford-AstraZeneca ayaa waxaa hoggaaminaya ismaamulka Nairobi oo ilaa hadda laga tallaalay 2,020 dhakhaatiir, Uasin Gishu 1,304, Kisumu 764, Nakuru 562, Kiambu 379, Transnzoia 335, Mombasa 332, Narok 277, Kisii 250, Kajiado 241, Laikipia 235, Eigeyo Marakwet 211, Nandi 175, Migori 171, Meru 155, Tharaka Nithi 149, Machakos 145, Kitui 127, Kirinyaga 112, Baringo 106, Makueni 104, Vihiga 103, Bungoma 98, West Pokot 86, Kericho 83 , Homabay 82, Wajr 67, Mandera 66, Tana River 66, Siaya 62, Busia 61, Taita Taveta 42, Embu 36, Garissa 28, Samburu 26, Turkana 24, Isiolo 20, Murang’a 20, Nyandarua 18 iyo Kakamega 2.
Kenya ayaa ilaa iyo hadda heshay qaybtii ugu horreysay ee tallaalka Covid-19 ee shirkadda Oxford-AstraZeneca oo dhan 1.02 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here