Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa sheegay in intii u dhexeysay bishii koowaad ilaa bishan 11-aad ee sanadkan ay shilal ka dhacay gudaha wadanka ku dhinteen 4,103 oo ruux.
Muddadan oo kale sanadkii hore ee 2021-kii , tirada dadka gudaha Kenya ugu geeriyooday shilalka ayaa ahayd 3,947.
Guddoomiyaha guddiga maamulo NTSA Agnes Odhiambo ayaa sheegtay in loo baahan yahay in mas’uuliyad wadareed la iska saaro xaqiijinta badqabka marka la adeegsanaya waddooyinka kala duwan.
Waxay hoosta ka xarriiqay inay qirayaan in la doonayo tallaabooyin dheeraad ah oo lagu yareyn karo waxyeellada shilalka.
Dadka ugu badan ee ay saameynta ka soo gaarto shilalka ayaa waxaa ka mid ah wadayaasha mootooyinka , carruurta dugsiyada dhigta iyo dadka waddooyinka gudbaya .
Agnes Odhiambo ayaa laga soo xigtay in shilalka ay saameeyeen 18,474 qof.
Tiradan ayaa isugu jira 4, 103 qof oo geeriyooday , 8,371 dhaawacyo culus ah iyo 6,000 kale oo ay soo gaareen dhaawacyo fudud.
Marka la eego qaybaha kala duwan, dadka iyagoo waddooyinka gudbaya ama hareeraha jidadka socdo shil ku dhintay ayaa ah 1,486 qof , 1,085 waa wadayaasha mootooyinka,721 waxay ahaayeen rakaab , darawalliinta (378) iyo 56 kaxeynayay baskillada.
Sababaha keena in shilalka ay kordhaan waxaa ka mid ah baabuurta ama noocyada kale ee gaadiidka oo si xowli ah loo wado , isticmaalka daroogada, darawalliinta oo iskudaya inay baabuur kale ka hor maraan iyo dadweynaha qaar ka mid ah oo aan adeegsan meelaha habboon marka ay waddada gudbayaan.
Maamulka qaran ee NTSA ayaa hadda gabagabeynaya qorsho howleedka badqabka si loo xoojiyo isku dubaridka , maamulka iyo dhaqangelinta qorshayaasha badbaadada dhanka waddooyinka ee mudnaanta koowaad la siinaya.
Tallaabooyinka ay NTSA ku howlan tahay waxaa ka mid ah in la soo saaro manhajka badqabka dhinaca waddooyinka si ardayda loogu dhigo dugsiyada.
Sidoo kale waxaa la wanaajinaya tababaridda wadayaasha baabuurta iyo nidaamka bixinta leesimada.
NTSA ayaa sameyn doonto baaritaano lagu qiimeynaya tayada waddooyinka si loo sameeyo isbeddellada loo baahan yahay.
Sidoo kale waxaa la aasaasaya guddiyada gaadiidka iyo badqabka ee ismaamullada.