Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo gaaray Congo

Madaxweynaha dalka oo gaaray Congo

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa gaaray jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Waxaa uu halkaasi u tagay booqasho rasmi oo qaadanaysa hal maalin.
Bayaan ka soo baxay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ayaa lagu sheegay in Ruto uu wada hadal la yeelan doono dhigiisa Congo Felix Tshisekedi.
Waxay kulankooda labada mas’uul diiradda ku saari doonaan xaaladda amni ee bariga dalkaasi , ganacsiga , maalgashiga iyo isdhexgalka gobolka.
Madaxtooyada ayaa qoraalkeeda ku xustay in Kenya ay door muhiim ah ka qaadanayso heshiisiinta dowladda iyo kooxda hubeysan ee M23.
Socdaalka uu madaxweyne William Ruto ku tagay Congo ayaa ku soo aadaya toddobaadyo un ka dib markii dowladda Kenya ay 903 sarkaal oo ka mid ah ciidamadeeda qalabka sida ee KDF ay u dirtay DRC si ay gacan uga gaystaan la dagaalanka fallaagada.

 

 

 

zzzz

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments