Wasiiradda wasaaradda jaaliyadda bariga Afrika , horumarinta gobolka iyo deegaannada oomanaha ah Rebecca Miano ayaa u hambalyeysay sagaal qof oo loo doortay inay Kenya ku matalaan baarlamaanka bariga Afrika ee EALA.
Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay inay wax lagu faano tahay in Kenya ay koox matasha u dirtay golahaasi.
Waxay intaasi ku dartay inay aad u rajeynayso inay wada shaqeyn dhow la yeelato xubnahan.
Waddan kasta oo ka tirsan gobolka bariga Afrika ayaa loo qoondeeyay 9 xubnood oo matalaya oo qayb ka noqonaya tirada guud ee xubnaha baarlamaankaasi oo ah 45.