DHAGEYSO:Nin dil loo haysto oo lagu xiray Nairobi

0
277

Waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay Dickson Gatonga Njeri isagoo sita mindi.
Saraakiisha ammaanka ayaa ka soo qabtay aagga waddada Outer Ring ee magaalada Nairobi.
Dickson ayaa falal dambiyeedyo ka gaystay xaafadaha Huruma iyo Kariobangi .
Saraakiisha ammanka ayay u suurtagashay inay soo xiraan ka dib xog ay shacabka ka heleen.
Waaxda qaran ee adeegga booliiska ee NPS ayaa sheegtay in hadda uu xabsiga ku jiro ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.
Dickson ayaa ah tuhmanaha ugu wayn ee lala xiriiriyay dilka Keagan Githua.
Waaxda dambi baarista dalka ayaa wacad ku martay inay sare u qaadeyso baaritaannada ka dhanka ah falal dambiyeedyada si shakhsiyaadka dhacdooyinkan ku lug leh looga qaado tallaabooyin sharciyeed.

 

Dhanka kale ismaamulka Nairobi oo ay dhawaan ku kordheen falal dambiyeedyada isugu jiro dilalka iyo dhaca hantida dadweynaha ayaa hadda xasilooni laga dareemaya.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha dalka William Ruto uu amray in gudaha caasimadda laga howlgeliyo saraakiisha sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da iyo kuwa sameeya falcelinta degdegga ee RDU-da.
Mid ka mid ah shacabka Nairobi ayaa soo dhaweeyay howlgallada ay ciidamadu kaga hor tagayaan dembiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here