Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa shacabka u xaqiijiyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay wanaajinta daryeelka caafimaad.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka madaxweyne William Ruto uu mudnaanta koowaad siin doono maalgashiga caafimaad.
Hoggaamiyaha labaad ee Kenya ayaa carrabka ku adkeeyay in diiradda la saari doono dhaqangelinta caafimaadka guud ee UHC.
Rigathi Gachagua ayaa dhanka kale dadweynaha ku boorriyay inay iska diiwaangeliyaan waaxda caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nyeri ayuu sheegay in dowladda ay kenyaanka ka fududeyn doonto qarashaadka caafimaad iyadoo loo maraya UHC.