Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Xoghayaha guud ee ODM oo dhaliil u jeediyay Jubilee

Xoghayaha guud ee ODM oo dhaliil u jeediyay Jubilee

Xoghayaha guud ee xisbiga ODM ahna senatarka ismaamulka Nairobi ,Edwin Sifuna ayaa mas’uuliyiinta xisbiga Jubilee ku dhaliilay in xilligii doorashadii guud ee bishii Sidedeedaad ay sameyeen ballanqaad wayn oo aynan oofin.
Waxaa uu xusay in siyaasiyiinta xisbiga madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta aynan ka soo bixin ballanqaad ahaa in musharraxii madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga uu gobolka bartamaha ka heli doono boqolkiiba 40 ee codadka oo u dhiganta 2.4 milyan.
Sifuna ayaa ka falcelinayay warbixin lagu soo daabacay mid ka mid ah wargeysyada dalka oo tilmaamaysay in Jubilee ay qorsheynaysa inay soo afjarto iskaashiga siyaasadeed ee kala dhexeya ODM.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu ku sheegay inay run tahay in Raila Odinga uu sanadkan gobolka bartamaha wadanka ka helay 490,000 oo codad dheeraad ah marka loo barbardhigo sanadkii 2017-kii balse tiradan aynan ahayn intii ay siyaasiyiinta Jubillee ballanqaadeen inay u soo hooyn doonaan ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments