Koronto la’aan saameysay 10 milyan oo ka mid ah shacabka Ukraine

0
335

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 10 milyan oo ka mid ah dadweynaha dalka Ukraine ay soo foodsaartay koronto la’aan ka dib duqeymo dhowr ah oo uu Ruushku gaystay.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in weerarrada xukuumadda Moscow ay saameeyeen kaabayaasha tamarta ee wadankaasi.
Waxaa sidoo kale jiro culeysyo dhanka biyaha ah.
Hasa ahaate dowladda Ruushka ayaa dhibaatooyinka haysta shacabka u aaneysay in dowladooda Ukraine ay diiday in laga wada xaajoodo soo afjaridda duullaanka militari ee soo billowday 24-kii bishii labaad ee sanadkan.
Hoggaamiyaha Ukraine ayaa sheegay in koronto la’aanta ay ka jirto Odesa, Vinnytsia, Sumy iyo Kyiv