Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Dowladda Canada oo tarxiil u diyaarisay boqollaal soomaali ah

Dowladda Canada oo tarxiil u diyaarisay boqollaal soomaali ah

Dhallinyaro soomaali ah oo la sheegay in dowladda Canada ay qorsheyneyso inay dalkeeda ka musaafuriso ayaa laanta afka soomaaliga ee VOA-da uga warramay xaaladda ay ku sugan yihiin, ka dib markii qaarkood sida la sheegay loo soo diray warqadihii lagu musaafurin lahaa.
Lama oga tirada rasmiga ah ee dowladda Canada ay qorsheyneyso inay musaafuriso.
Wakaaladda xuduudaha Canada ayaa sheegtay in dhallinyaradan ay gaarayaan 157 qof, balse dadka u doodaya dhallintan ayaa rumeysan inay gaarayaan boqollaal qof.
Saraakiisha dowladda ayaa ku doodayaan in hadda un ay baaritaan ku soo ogaadeen in dhallinyaradan aysan Soomaali ahayn oo ay ka been sheegeen kiisaskii ay isku dhiibeen markii ay magangelyo waydiisanayeen Canada.
Waxaa socda, dadaallo ay wadaan jaaliyadda Soomaalida qaarkood, kuwaas oo wali aanan ka soo bixin wax natiijo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments