Barasaabka Nairobi oo shaqada ka eryay saddex sarkaal

0
259

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa shaqada si ku meel gaar ah uga istaajiyay 3 sarkaal.
Tani ayaa timid ka dib markii dhisme dhawaan ku dumay deegaanka Kasarani ay ku dhinteen saddex ruux.
Saraakiishan ayaa kala ah Michael Agoya, Catherine Wairimu, iyo Beatrice Kimathi waxaana amarka shaqada looga istaajiyay uu shaqeyn doonaa ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya baaritaannada ka dhanka ah.
Sidoo kale waxaa loo qabtay 10 cisho oo ay uga jawaabi karaan eedeymo loo jeediyay.
Mas’uuliyiintan ayaa dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi u qaabilsanaa ansixinta dhismooyinka iyo dhaqangelinta xeerarka la xiriira waxaana lagu eedeeyay inay dayaceen waajibaadkooda shaqo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here