Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Sicir bararka Japan oo muddo 40 sano ah gaaray heerkii ugu sarreeyay

Sicir bararka Japan oo muddo 40 sano ah gaaray heerkii ugu sarreeyay

Waxaa dalka Japan laga dareemaya sicir bararkii ugu sarreeyay ee dhanka nolosha muddo 40 sano ah.
Tani ayaa timid ka dib markii uu kordhay qiimaha cunnooyinka daruuriga ah.
Dowladda Japan ayaa sheegtay inay tahay markii ugu horreysay ee uu sicirku heerkan gaaro tan iyo sanadkii 1982.
Bishii hore ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha dalkaasi Fumio Kishida uu soo bandhigay in lacag dhan 260 bilyan oo doolar lagu kaabaya dhaqaalaha Japan.
Tani ayaa qoysaska wadankaasi ka caawin doonto maareynta qiimaha badeecooyinka tamarta ee kordhay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments