Madaxweynaha dalka oo xildhibaannada ugu baaqay inay shacabka u adeegaan

0
144

Madaxweynaha dalka William Samoei Ruto ayaa mudanayaasha baarlamaanka ku boorriyay inay mudnaanta koowaad siiyaan mashaariicda si toos ah u taabanaya nolosha kenyaanka.
Waxaa uu kula taliyay inaynan fududeysan waajibaadkooda shaqo oo ay codbixiyeyaasha ugu adeegaan sida habboon.
William Ruto ayaa yiri “Waxaa la idiin doortay in aad dadweynaha u adeegtaan waana inaad marka hore wax ka qabataan arrimahooda”
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu siyaasiyiinta isbeheysiga Kenya Kwanza kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu xildhibaannada ka codsaday inaynan ku mashquulin arrimo aan muhiim ahayn sida in la beddelo dastuurka wadanka u degsan oo la kordhiyo muddo xileedka madaxweynaha.
William Ruto ayaa si cad u sheegay in madaxweyne ahaan uunan marnaba ka qayb qaadan doonin dadaallo lagu waxyeelleynaya dastuurka si loo fuliyo dano shakhsiyadeed.
Mudanayaasha baarlamaanka ayuu u soo bandhigay inay meel mariyaan xeerarka dardargelin karo dhaqan gelinta sanduuqa ay dowladda dhexe ku taageereyso ganacsatada yaryar ee muruq-maalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here