DHAGEYSO:Xisbiga UDA oo sheegay in madaxweynaha dalka uunan qorsheynayn muddo kororsi

0
254

Agaasimaha fulinta ee xisbiga UDA Odanga Pessa oo maanta wareysi gaar ah siiyay idaacadda Radio Citizen ayaa sheegay in hoggaamiyaha wadanka William Ruto uunan marnaba qorsheynayn inuu xilka hayo muddo ka badan inta uu dastuurka u oggol yahay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Ruto uu doonayo inuu dhameysto shanta sano ee soo socoto ka hor inta uunan sanadka 2027-ka dib ugu laaban dadweynaha si ay mar kale u soo doortaan.
Mr. Odanga ayaa cadeeyay in xisbiga UDA uunan marnaba yeelan shir ku aaddan in meesha laga saaro xadidaadda muddo xileedka madaxweynaha ee ah labo xilli oo min shan sano ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hadal maalmo ka hor uu jeediyay mudanaha deegaanka Fafi ee ismaamulka Garissa Saalax Yaaquub uunan ahayn mid ka turjumayay mowqifka xisbiga UDA, Isbeheysiga Kenya Kwanza iyo madaxweyne William Ruto balse uu xildhibaanka muujiyay keliya aragtidiisa shakhsiyadeed.

Sidoo kale agaasimaha fulinta ee UDA ayaa sheegay inay u hoggaansami doonaan amarkii ka soo baxay maxkamadda shaqaalaha ee lagu joojiyay turxaan bixinta ay guddiyada baarlamaanka ku sameynayaan 51 qof oo uu madaxweynaha u soo xushay inay noqdaan xoghayeyaasha wasaaradaha dowladda dhexe.
Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray in markii uu madaxweynaha soo dhisayay golihiisa wasiirrada uu isku dheellitiray matalaadda jinsiyadeed iyo gobollada.

Agaasimaha fulinta ee UDA waxaa uu xusay in dhaqaalaha ay dowladdu ku taageerayso ganacsatada yaryar ee Hustler Fund aynan ahayn mid si bilaash ah lagu bixinaya balse ay dulsaar leedahay.

Ugu dambeyn waxaa uu carrabka ku adkeeyay in haddii uu jiro qof wakiil ka ahaa xisbiga UDA xilligii doorashadii guud ee bishii Siddeedaad ee sanadkan oo aan weli lacag la siin sidoo kalena uu haysto warqad rasmi ah inuu tago xafiiska ugu dhow ee xisbiga.