Waxaa golaha qaran ee xeer dejinta loo gudbiyay ilaa afar dacwadood oo lagu doonayo inay xafiisyada banneeyaan afar ka mid ah saraakiisha sar sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka (IEBC).
Guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula ayaa sheegay in dacwadda koowaad ay ka timid xisbiga Republican Party.
Mas’uuliyiinta xisbigan ayaa doonaya in xilalka laga qaado Juliana Cherera, Julius Nyang’aya, Irene Massit iyo Francis Wanderi oo ay ku eedeynayaan inay ku xadgudbeen dastuurka wadanka.
Waxay ku doodayaan in afarta sarkaal ay ku guul dareysteen kasbashada kalsoonida dadweynaha ka dib markii bishii sideedaad ee sanadkan ay shaki geliyeen natiijadii doorashadii guud saacado ka hor inta aan lagu dhawaaqin.
Dacwadda labaad waxaa baarlamaanka geeyay Rev. Denis Ndwiga, oo doonaya in afarta sarkaal ay xafiisyada banneeyaan maadaama uu ku eedeynaya habdhaqan xumo iyo karti la’aan.
Waxaa jiro labo dacwadood oo kale oo loo gudbiyay baarlamaanka oo ka dhan ah saraakiishan.