Inta la ogyahay 3 dhallinyaro ah iyo 4 askari ayaa ku dhaawacmay isku dhac dhexmaray booliska magaalada Burco iyo dhallinyaro dhigayay bannaanbax ay ku taageerayaan go’aamada mucaaradka Somaliland.
Ciidamada amaanka ee magaalada Burco ayaa ka hortagay bannaanbaxyo rabshado wata, oo ay xalay xilli danbe magaalada Burco ka billaabeen dhallinyaro la dhacsan go’aamada ka soo yeeray mucaaradka Somaliland, taasi oo sababtay in isku dhac dhexmaro booliska iyo bannaanbaxayaasha.
Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamad Aadan Saqadhi Dabagale, oo hadalka mucaaradka ka dib warbaahinta la hadlay, ayaa ballanqaaday in uu ammaanka sugayo, isaga oo sheegay in cidkasta oo fal amni darro ah ku kacda ay booliska is arki doonaan.
Mucaaradka Soomaliland ayaa xalay sidii la filayay kuma dhawaaqin wax mudaharaado ah, taa beddelkeeda waxay shacabka ku boorriyeen in ay nabadda ilaaliyaan, iyaga oo sheegay in aynan dhibaato wadin balse ay rabaan in wadahadal khilaafka lagu dhameeyo.