Maxkamadda deegaanka Mavoko oo la xiray

0
750

Ku simaha xilka madaxa cadaaladda ee Kenya garsoore Philomena Mwilu ayaa ku dhawaaqday go’aan 10 cisho lagu xirayo maxkamadda deegaanka hoose ee Mavoko ee ismaamulka Macahakos ka dib markii toddobo xubnood oo ka tirsan shaqaalaha maxkamadaasi laga helay fayraska Corona halka midna uu u dhintay cudurka.
Waxaa ay sheegtay in go’aanka lagu xirayo maxkamada la gaadhay ka dib markii guddiga sare ee maxkamadaasi ay soo jeedieen go’aanka lagu xirayo.
Garsoorka ayaa sheegay in dhamaan arrimaha deg degga ah ee maxkamadda Mavoko loo weecin doono maxkamadda magaalada Machakos.
Shaqaalaha cudurka laga helay ayaa sidoo kale laga doonaya inay is karantiilaan iyadoo la raacayo tilmaamaha wasaaradda caafimaadka ee dalka si looga hortagga faafitaanka cudurka.
Mrs MwilU ayaa ku boorrisay shaqaalaha garsoorka dadka inay u hoggaansamaan tilmaaha wasaaradda caafimaadka.