Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa wali daaweyn ku qaadanaya isbitaalka Nairobi Hospital ka dib markii laga helay cudurka CoronaVirus.
Qaar ka mid ah saraakiisha xisbiga ODM ayaa iyaguna laga baaray xanuunka.
Mr Odinga sida ay dhakhaatiirta sheegeen xaaladiisa waa ay wanaagsan tahay.
Hoggaamiyaasha diimeed ee gobolka Nyanza ayaa shalay u qabtay kulan duco ah iyagoona u rajeeyay Raila inuu ka soo kabsado xanuunkan
Dhanka kale agaasimaha isgaarsiinta xisbiga ODM Philip Etale ayaa laga helay cudurka Covid-19
Tani ayaa ku soo aadeysa laba maalin uun ka dib markii madaxa xisbiga ODM Raila Odinga laga helay cudurkan
Qoyska iyo shaqaalaha Raila ayaa si kastaba ha ahaatee laga helin fayraska Korona.