DHAGEYSO:Ismaamullada dalka oo laga wada howlaha tallaal qaadashada ee Covid-19

0
616

Ismaamullada dalka oo laga wada howlaha tallaal qaadashada ee Covid-19
Ismaamullada Bungoma,Kakamega,Wajeer Garissa iyo dowlad deegaano kale ayaa laga bilaabay tallaalka xanuunka CoronaVirus.
Wycliffe Wangamati oo ah barasaabka Bungoma ayaa qaatay tallaalkaas waxaa uuna dadweynaha ugu baaqay inay qaataan.
Kenyaanka ayaa loo sheegay in daawada talaallka fayraska Korona ay tahay mid lagu kalsoonyahay oo aan waxba u dhimeyn qofka.

Shalay ayay ahayd markii isbitaalka weyn ee magaalada Garissa laga bilaabay bixinta tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Waxaa ugu horreyn tallaalka qaatay hawl wadeenada caafimaadka waxaana ku xigi doono ciidamada ammaanka iyo macallimiinta.