Madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome oo maanta xilkiisa u dhaarisay taliyaha guud ee booliiska dalka Japhet Koome ayaa kula dardaarantay inuu xeerarka dastuuriga ah si buuxda u ilaaliyo.
Waxay kula talisay inuu kaalin hoggaamineed ka qaato dadaallada wax looga beddelaya hannaanka dambi baarista dalka.
Waxay u sheegtay inuu xaqiijiyo in saraakiisha ammaanka ay qaranka ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay tixgelinta xuquuqul aadanaha.
Sidoo kale waxay soo jeedisay in Koome uu si dhow ula shaqeeyo waaxyaha kale ee dowladda.




