Xeer ilaaliyihii labaad ee dalka oo geeriyooday

0
262

Waxaa geeriyooday James Karugu oo soo noqday xeer ilaaliyihii guud ee labaad ee Kenya.
Xubnaha qoyskiisa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Karugu uu xalay geeriyooday isagoo 86 sano jir ah.
Hasa ahaate faahfaahin dheeraad ah kama aynan bixin dhimashadiisa.
Karugu ayaa toddobaatameeyadii ahaa ku xigeenka dacwad oogaha guud ilaa bishii Afaraad ee sanadkii 1980-kii oo uu noqday xeer ilaaliyaha maamulkii madaxweynihii labaad ee dalka Daniel Moi.
Waxaa uu xilkan kala wareegay xeer ilaaliyihii koowaad ee dalka Charles Njonjo oo xilligaasi is casilay si uu ugu biiro saaxadda siyaasadeed.
James Karugu ayaa xeer ilaaliyaha guud ee dalka ahaa intii u dhexeysay 1980 iyo 1981 wuxuuna is casilay 17 bilood ka dib markii uu xafiiska la wareegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here