William Ruto oo dib u dhigay ololihiisa siyaasadeed ee uu dalka kawaday

0
504

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa joojiyay isu soo baxyadiisa siyaasadeed ee uu kawaday ismaamullada dalka ee ka dhanka ahayd astaanta siyaasadeed ee xisbiga UDA oo ah gaari gacanka.
Dr Ruto ayaa arrinkan ku dhawaaqday waxyar uun kadib markii madaxweyne dalka Uhuru Kenyatta uu mamnuucay muddo 30 cisho ah isku soo baxyada siyaasadeed si loo xakameeyo faafitaanka Covid-19
Madaxweynaha dalka ayaa xusay in isku soo baxyada siyaasadeed iyo kulamada dadweynaha ay kaalin weyn ka qaadayaan faafitaanka cudurka Covid-19.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in sababo la xiriira tirada kiisaska ee cudurka ee sii kordhaya islamarkaana haatan dalka uu wajahaya mowjadda saddexaad ee cudurka uu ololihiisa hakinaya ila amar dambe si loo xakameeyo faysraska.
Waxaa qorshuhu ahaa in ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto inuu isku soo bax siyaasadeed maanta ku qabto deegaanada Kapenguria iyo Sigor oo ka tirsan ismaamulka galbeedka Pokot.
Waxaa uu sidoo kale doonayay in toddobaadka dambe oo xariga ka jaro machadka farsamada Sossiot ee ee dowlad deegaanka Kericho.