Baarlamaanka oo ansixiyay in Koome uu noqdo abaanduulaha booliiska

0
231

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa meel mariyay in Japheth Koome uu noqdo taliyaha guud ee booliiska wadanka ka dib markii jagadan loo soo xushay oo la turxaan bixiyay.
Talaadadii ayay ahayd markii guddi iskudhaf ah oo matalaya baarlamaanka iyo aqalka sare uu su’aallo waydiiyay Koome.
Aqalka sare oo ansixinta ka hor ka dooday warbixin uu guddigan soo gudbiyay ayaa sarkaalkan oo 31 sano ka tirsanaa booliiska wadanka ku boorriyay inuu wax ka qabto falalka amni darro ee sida maalinlaha ah u sii kordhaya si gaar ah ismaamullada Nairobi iyo Mombasa.
Sidoo kale waxay Koome ugu baaqeen in marka uu xilkan la wareego uu soo afjaro caqabadaha ka taagan qaybo ka mid ah gobolka Rift Valley sida Baringo gaar ahaan dhaca xoolaha.
Mas’uulkan ayaa laga dalbaday inuu meesha ka saaro falalka musuqmaasuqa sida laaluush qaadashada lagu eedeyo saraakiisha ammaanka.
Senatarrada ayaa Koome u soo jeediyay inuu si gaar ah u eego daryeelka ay helaan ciidamada booliiska ee dalka.
Xilligii la turxaan bixinayay ayuu ballanqaaday inuu waajibaadkiisa u gudan doono si ay aqoon ku dheehan tahay isagoo wacad ku maray inuu soo afjari doono musuqmaasuqa ay sameyaan qaar ka mid ah saraakiisha amniga.
Ansixinta ka dib waxaa la filayaa in Japheth Koome si rasmi ah loogu dhaariyo xilka uu hadda si ku meel gaar ah u hayo Nuur Yaroow Gaaboow.
Jagadan ayaa bannaanaatay ka dib markii uu is casilay abaanduulihii booliska dalka Hillary Mutyambai.
Waxaa munaasabadda dhaarinta guddoomin doonto madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome.