Senatarka Isiolo oo laga saaray guddiga adeegga baarlamaanka

0
239

Waxaa guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC laga saaraya senataradda ismaamulka Isiolo Fatuma Dullo oo xubin ka ahayd.
Isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya ayaa Fatuma ku beddelay senatarka ismaamulka Nyamira Okong’o Omogeni.
Tani ayaa timid ka dib markii aqalka sare uu ansixiyay mooshin uu hor keenay madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay Steward Madzayo si isbeddel loogu sameeyo liiskii ay ka mid ahayd Dullo.
Madzayo ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula u gudbiyay qoraal arrinkan ku aaddan.