Madaxweynaha Koonfur Afrika oo dalka safar ku yimid

0
246

Madaxweynaha wadanka Koonfur Afrika ,Cyril Ramaphosa ayaa dalka ku yimid safar rasmi ah oo qaadanaya labo cisho.
Waxaa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Alfred Mutua iyo dhigiiisa wasaaradda macdanta ,Salim Mvurya.
Safarka Ramaphosa ayaa salka ku haya in isaga iyo madaxweyne William Ruto ay yeeshaan wada hadallo lagu xoojinaya iskaashiga laba geesoodka ee dhanka dhaqaalaha , siyaasadda , dhaqanka iyo xiriirka bulsho.
Ramaphosa waxaa uu la kulmi doonaa dhigiisa Kenya oo la filayo inuu ka soo laabto dalka Masar.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in wada hadallada Ruto iyo Ramaphosa xoogga lagu saaro dalku-galka la siiyo Kenyaanka marka ay tagaan Koonfur Afrika oo ah mid laga dayriyay.
Sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii Kenya iyo Koonfur Afrika ay wada saxiixdeen ilaa 8 heshiis oo ku saabsanaa sare u qaadidda xiriirkooda ganacsi iyo maalgashi.