Maxkamadda oo galabta go’aan ka soo saareysa shaqo joojinta duuliyeyaasha KQ

0
257

Maxkamadda shaqaalaha ee dalka ayaa maamulka shirkadda duullimaadyada ee Kenya Airways iyo ururka duuliyeyaasha ee (KALPA) ku amartay inay wada xaajood billaabaan.
Tallaabadan ayaa laga doonaya inay guda galaan ka hor inta aynan maxkamadda galinka dambe ee maanta go’aan ka soo saarin muranka u dhexeya labada dhinac.
Kenya Airways ayaa horay u sheegtay in duuliyeyaasha ay ku guda jiraan shaqo joojin sharci darro ah oo soo billaabatay Sabtidii.
Waxay cuskatay in 31-dii bishii hore ay maxkamadda bixisay amar ah in duuliyeyaasha aynan sameyn shaqo joojin taasoo ay dafireen.
Shalay ayay ahayd markii shirkadda duullimaadyada dalka ay xayeysiisay fursado shaqo ka dib markii duuliyeyaasha ay ku gacan seyreen muddo 24 saacadood ah oo loo qabtay si ay isku soo xaadiriyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here