Madaxweynaha dalka oo u tacsiyeeyay shacabka Tanzania

0
233

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka hadlay shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay dalka Tanzania.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa dhambaal tacsi ah uu diray shacabka iyo mas’uliyiinta dalkaasi isagoona kuwa dhaawaca ah u rajeeyay soo kabasho degdeg ah.
Diyaaradda oo si xun u burburtay ayaa ku dhacday harada Victoria xilli ay isku dayday in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee magaalada Bukoba iyadoo xiligaasi la sheegay in ay ahayd xilli ay jireen dabeylo xooggan.
Liiska dhibbanayaasha ay soo saareen mas’uuliyiinta Tanzania ayaa lagu sheegay in ay ku jiraan laba qof oo Kenyaan ah kuwaasi oo la socday diyaaraddii burburtay.
Mid ka mid ayaa waxaa uu ahaa caawiyaha duuliyaha.
Diyaaradda ayaa xilligii ay dhaceysay waxaa saarnaa 43 qof oo 39 ka mid ah ay rakaab ahaayeen.
Waxaa dhimatay 19 qof oo 2 ka mid ah ay dulliyaashi ahaayeen.