Dowladda Kenya ayaa xirmadii labaad ee tallaalka COVID-19 nooca Oxford-AstraZeneca ka heshay dowladda India.
Safiirka India u joogo wadanka Virander Paul ayaa sheegay tallalkan lagu soo hagaajiyay wadanka India, islamarkaana ay tahay tallaabo wanagsan oo loo qaaday dhanka iskaashiga labada dal.
Mr .Virander Paul ayaa intaa ku daray in labada dal ay iska kaashan doonaan horumarinta waaxyaha caafimaadka ee Kenya iyo dhinacyada kale.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in 100,000 oo kuuro ama doos oo ah kuwa daawooyinka tallaalka ee la keenay wadanka ay muujinayso in waxyaabo badan lagu wanaajin karo gudaha dalka.
Wasiirka caafimaadka dalka Mutahi Kagwe ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda India taageerada tallaalka COVID-19 isagoo xusay in kaalin weyn uu ka qaadan doono badbaadinta nolosha shacabka.
Mr. Kagwe ayaa sheegay in tallaalka qaybaha kala duwan ee dalka uu si wanaagsan u socdo isagoo shacabka ugu baaqay in ay tallaaka qaataan.
Waxaa uu xusay in Kenyan badan ay caafimaad u dontaan India gaar ahaan kuwa qabo xanuunka kansarka.