Nuurdiin Xaaji oo ku baaqay soo afjaridda dilalka sharci darrada ah

0
214

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka Nuurdiin Xaaji ayaa ku baaqay in hay’adaha dambi baarista ,maamullada u ololeeya xuquuqul aadanaha iyo ururrada rayidka ah ay iska kaashadaan sidii loola tacaali lahaa dilalka sharci darrada ah ee ka dhaco gudaha wadanka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay qoraal ku saabsan dhaqammada wanaagsan ee lagu xoojin karo helidda cadaaladda , ka hor tagga iyo wax ka qabashada xagjirnimada.
Mr. Xaaji ayaa dhinacyada kala duwan ku boorriyay inay xoojiyaan wada shaqeyntooda.
Sidoo kale waxaa uu hay’adaha dambi baarista ka codsaday inay ku baraarugaan baahiyaha bulshada ay u adeegaan.
Agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka ayaa doonaya in la adeegsado qaab lagu tixgelinaya xuquuqul aadanaha iyo u hoggaansanka xeerarka dastuuriga ah marka lala dagaallamaya argagixisannimada.