Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 9 sarkaal oo ka tirsanaa qaybtii SSU-da oo xabsi ku sii jiraya

9 sarkaal oo ka tirsanaa qaybtii SSU-da oo xabsi ku sii jiraya

Garsooraha sare ee maxkamadda Kahawa, Diana Mochache ayaa sheegtay in 9 sarkaal oo ka tirsanaa qaybtii gaarka ahayd ee waaxda dambi baarista ee SSU-da taasoo la kala diray ay xabsi ku sii jiri doonaan ilaa Khamiista soo socoto ee 10-ka bishan.
Shalay ayay ahayd markii maxkamad la soo taagay eedeysanayaasha iyadoo waaxda dacwad oogidda ay codsatay in la siiyo 30 cisho oo dheeraad ah oo ay baaritaannada ku soo gabagabeynaysa.
Saraakiisha ayaa loo haystaa afduub loo gaystay labo qof oo u dhashay dalka India iyo darawalkoodi oo kenyaan ah.
Garsooraha ayaa sheegtay inay Khamiista go’aan ka gaari doonto in tuhmanayaasha lagu siideynaya damaanad iyo inay xabsiga ku jirayaan muddo bil ah sida ay codsatay dacwad oogidda.
Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Joseph Mwenda Mbaya, David Chepcheng Kipsoi, Stephen Luseno Matunda, Paul Njogu Muriithi, Simon Muhuga Gikonyo, Peter Muthee Gachiku, Francis Muendo Ndonye, John Mwangi Kamau iyo Joseph Kamau Mbugua.
Qareenka u doodaya, Danstan Omari ayaa maxkamadda u sheegay in dacwadda loo haysto saraakiishan ay tahay mid siyaasadeysan oo lagu bartilmaameedsanaya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments