Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Alfred Mutua oo eedeyay shirkadaha kenyaanka ka shaqaaleysiiya khaliijka

Alfred Mutua oo eedeyay shirkadaha kenyaanka ka shaqaaleysiiya khaliijka

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Dr. Alfred Mutua ayaa eedeyn u jeediyay shirkadaha shaqaaleysiinta ee kenyaanka ka howlgeliyo waddamada carbeed sida Sacuudi Carabiya.
Waxaa uu sheegay in shirkadahan oo aan nidaamsanayn ay sabab u tahay dhibaatooyinka ay wajahaan qaar ka mid ah muwaadiniinta boqortooyada u shaqo tago.
Arrintan ayuu ka hadlay ka dib kulan uu magaalada Riyadh kula qaatay dhigiisa Sacuudi Carabiya Faisal Bin Farhan Al-Saud iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladaasi.
2-dii bishan ayay ahayd markii Alfred Mutua uu u safray Sacuudi Carabiya si uu wax uga qabto dhibaatooyin ay cabasho ka muujiyaan qurbajoogta kenyaanka ah ee halkaasi ka shaqeysta.
Mutua ayaa bayaan ku sheegay in nidaamka shaqaaleysiinta iyo diiwaangelinta shirkadaha uu hareeyay musuqmaasuq la doonayo in xal loo helo.
Waxaa uu sheegay in isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya ay ku heshiiyeen in shirkadaha shaqaaleysiinta ee Kenya inay xafiisyo halkaasi ku lahaadaan.
Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in xayiraad la saaro waaxyaha aan ilaalin xeerarka shaqaaleysiinta.
Waxaa uu wasiirka sheegay in maalmaha nagu soo aaddan wasaaradda arrimaha dibadda ay tilmaamooyin dheeraad ah soo saari doonto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments