Raila Odinga: Hoggaaminta William Ruto waa mid hal dhinac ah oo aan u sinayn Kenyaanka

0
310

Hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa ku eedeyay madaxweynaha dalka William Ruto inuu ku howlan yahay waxa uu ku tilmaamay beegsi shakhsiyadeed oo ka dhan ah qaar ka mid ah mas’uuliyiintii xilalka kala duwan dowladda ka soo qabtay kuwaas oo sida uu hadalka u dhigay ay aragtida siyaasiga ah ku kala duwanaayeen ka hor intii aan xafiiska loo dooran bishii Siddeedaad ee sanadkan.
Mr. Odinga oo shir jaraa’id qabtay ayaa maamulka William Ruto dhaleeceyn u jeediyay.
Waxaa uu ku tilmaamay hoggaaminta William Ruto maamul hal dhinac ah, islamarkaana Kenyaanka aynan u sinayn.
Raila ayaa madaxweynaha dalka ku eedeyay inuu abaabulay qorshe ka dhan ah agaasimihii hore ee waaxda dambi barista dalka ee DCI-da George Kinoti.
Hadalka hoggaamiyaha mucaaradka wadanka Raila Odinga ayaa imaanaya iyadoo madaxweynaha dalka uu dhawaan kala diray qaybtii gaarka ahayd ee waaxda dambi baarista ee SSU, taaso oo qayb ka ah qorshihiisa uu wax uga qabanayo dilalka sharci darrada ah ay laamaha ammaanka gaystaan.